DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Da’yarka Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Ee Abaalmarinta PFA Oo La Shaaciyay.

Xidhiidhka Xirfadlayaasha kubada cagta ee PFA ayaa soo saaray Liiska xiddigaha da’yarka ah ee u tartami doona abaalmarinta Da’yarka ugu fiican xilli ciyaareedkii dhamaaday premier League.

Abaalmarinta waxa u tartamaya 6 xiddig oo ka kala socda 6 kooxood oo premier League ah kuwaas oo ah xiddigihii da’yarka ahaa ee qaab ciyaareedka cajiibka ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddigaha Bukayo Saka (Arsenal), Declan Rice (West Ham), Mason Greenwood (Man United) Phil Foden (Man City) Trent Alexander-Arnold (Liverpool) iyo Mason Mount (Cheslsea) ayaa ah xiddigaha nasiibka u yeeshay in loo soo xulo u tartamista abaalmarinta.

Xiddigahan ayaa ah xiddigaha da’yarka ah ee ka ciyaarayay premeir League xilli ciyaareedkii hore soona bandhigay qaab ciyaareedka fiican kooxohoodana caawiyay premier League.

Xiddigaha Phil Foden oo ku guulaystay premier League iyo Mason Mount oo kooxdiisa kula guulaystay champions League ayaa ah labada xiddig ee ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta.


Source: laacibfm

SHARE