Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta Oo Ka Fal-Celiyay Magacaabista Real Madrid Ee Carlo Ancelotii

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka fal celiyay magacaabista Real Madrid ee Tababare Carlo Ancelotti kaas oo shalay loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa maalmo ay suuqa ugu jirtay tababare cusub ugu dambayn Carlo Ancelotti u magacawday badalka Zinedine Zidane oo isaga tagay kooxda todobaadkii hore.

Kadib markii uu maqlay in ay Real Madrid tabaare u magacawday Joan Laporta ayaa wax laga waydiiyay inkasta oo uuna isagu markii hore ogayn kadib markii uu saxafi u sheegay.

Joan Laporta ayaa yidhi” Yaa? ayay ahayd fal celintiisii ugu horaysay “Waa Tababare Fiican”ayuu sii raaciyay.

Ancelotti ayaa Barcelona ka hor tagay 5 jeer markii uu tababaraha u ahaa Real Madrid waxana uu guuldaro la kulmay 3 kulan isaga oo badiyay 2 kulan isaga oo Barcelona ku garaacay Final-kii Copa del Rey-ga sanadkii 2013/2014.


Source: laacibfm

SHARE