Man City Mise Man United? Jack Grealish Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Xagaagan.

Kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay kooxda uu ku biirayo labada Manchester suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 7 gool 12 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa keentay in uu xiiso ka helo kooxaha Man United iyo Man City kuwaas oo la dhacsan qaab ciyaareedka xiddiga reer England xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu xiddiga Jack Gearlish go’aasnaday meesha uu doonayo in uu ka ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Grealish doonayo in uu ku biiro kooxda Man City halkii uu ku biiri lahaa kooxda Man United ee uu hogaamiyo tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Xiddiga reer England ayaa aaminsan in ay Man City haysato fursad ay xilli ciyaareed kasta koobab ugu guulaysato marka loo bar-bar dhigo Man United sidaas darteed uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man City.


Source: laacibfm

SHARE