Man City Oo Xaqiijisay Qorshohooda Kun Aadan Badalka Sergio Aguero

Gudoomiyaha kooxda Manchester City Khaldoon Al Mubarak ayaa sheegay in kooxda Man City suuqa ugu jirto badalka Weeraryahanka Sergio Aguero xagaagan.

Aguero ayaa isaga tagay Man City kadib 10 sano oo uu joogay kooxda waxana uu ku biiray kooxda Barcelona oo uu heshiis 2 sano ah u saxiixay.

City ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso weeraryahan cusub Al Mubarak ayaana xaqiijiyay in ay kooxdu qorshaynayso in ay la soo saxiixato weeraryahan cusub xagaagan.

“Waxa aan waynay Halyeey muhiim ah markii uu Sergio Aguero naga tagay, way adagtahay in la helo xiddig buuxiya booskiisa laakiin waxa aan aaminsanahay in aan heli doono xiddig buuxin kara”ayuu u sheegay City TV.

“Waxa jira meelo kale oo kooxda ka mid ah oo u baahan Xoojin, kaliya ma ahan Tirada xiddigaha aan doonayno laakiin waa tayada”ayuu sii raaciyay.

“Uma malaynayo in aan ku guulaysanay premier League waliba gaadhnay Final-ka si aan dib ugu fadhiisano waxa aan keeni doonaa xiddigo tayo leh boosas kooxda ah”.


Source: laacibfm

SHARE