RASMI: Liiska Kama Dambaysta Ah Ee Xulka Qaranka Italy Uga Qayb Qaadan Doona Tartanka Euro 2020 Oo La Shaaciyay

Tababaraha xulka qaranka Italy ee Roberto Mancini ayaa soo saaray Liiska kama dambaysta ah ee xiddigaha uu kaga qayb gali doono tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona todobaadka dambe.

Tababare Roberto Mancini ayaa soo xushay Liiska 26-ka xiddig ee uu kaga qayb gali doono tartanka isaga oo si Rasmi ah ugu gudbiyay UEFA ka hor bilaabashada tartanka.

Tababare Roberto Mancini oo dib u dhis ku sameeyay Xulka qaranka Italy ayaa tartanka galaya isaga oo isha ku haya in uu dalkiisa ku hogaamiyo ku guulaysiga Euro 2020.

Xulka qaranka Italy ayaa la ciyaari doona xulalka Turkey, Switzerland Iyo Wales kuwaas oo isku Group ah kuna wada jira Group-ka A kulankooda ugu horeeyana la ciyaari doona xulka Turkey 11 bishan haatan lagu jiro.

Goolhayayaasha: 21 Gianluigi Donnarumma (Milan), 26 Alex Meret (Napoli), 1 Salvatore Sirigu (Torino)

Daafaca: 15 Francesco Acerbi (Lazio), 23 Alessandro Bastoni (Inter), 19 Leonardo Bonucci (Juventus), 3 Giorgio Chiellini (Juventus), 2 Giovanni Di Lorenzo (Napoli), 13 Emerson Palmieri (Chelsea), 24 Alessandro Florenzi (Paris Saint Germain), 4 Leonardo Spinazzola (Roma), 25 Rafael Toloi (Atalanta)

Khadka Dhexe: 18 Nicolò Barella (Inter), 16 Bryan Cristante (Roma), 8 Frello Jorge Luiz Jorginho (Chelsea), 5 Manuel Locatelli (Sassuolo), 7 Lorenzo Pellegrini (Roma), 12 Stefano Sensi (Inter), 6 Marco Verratti (Paris Saint Germain)

Weerarka: 9 Andrea Belotti (Torino), 11 Domenico Berardi (Sassuolo), 20 Federico Bernardeschi (Juventus), 14 Federico Chiesa (Juventus), 17 Ciro Immobile (Lazio), 10 Lorenzo Insigne (Napoli), 22 Giacomo Raspadori (Sassuolo)


Source: laacibfm

SHARE