Waa Maxay Sababta Ku Laabashada Carlo Ancelotti War Fiican Ugu Tahay Arsenal.

Ku Laabashada Tababare Carlo Ancelotti ee kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay war fiican u tahay kooxda Arsenal iyo baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga Martin Odegaard suuqa xagaaga.

Ancelotii ayaa ku laabtay Real Madrid isagana tagay Everton si uu badal ugu noqdo Los Blancos markii 2-aad xirfadiisa tababare.

Wargayska The Mirror ayaa sheegaya in uuna Acelotti doonayn xiddiga Martin Odegaard maadama uuna ku jirin qorshihiisa kooxda Real Madrid taas oo la macno ah in ay Real Madrid iska iibin doonto xiddiga xagaaga.

Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Martin Odegaard kaas oo amaah ku qaatay Arsenal qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan kadib markii uu ku biiray suuqii January.

Odegaard ayaa ciyaaray 14 kulan oo premier League ah isaga oo dhaliyay gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 2 gool oo kale xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE