William Gallas Oo Chelsea U Saadaaliyay Ku Guulaysiga Premeir League Xilli Ciyaareedka Dambe Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay

Chelsea ayaa ku guuleysan doonta horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda hadii uu Thomas Tuchel la soo saxiixdo weeraryahan heer caalami ah suuqa xagaagan sida uu sheegay William Gallas.

Blues ayaa ku dhameysatay kaalinta afaraad xilli ciyaareedkan laakiin waxaa loo saadaaliyay inay la tartami karto kooxaha sida Manchester City iyo Liverpool ka dib qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay soo bandhigtay kooxdu tan ilaa markii uu Thomas Tuchel yidhi.

Chelsea ayaa ku jirtay kaalinta 9-aad markii uu Thomas Tuchel shaqada ka badalay Frank Lampard laakiin waxa uu kooxda ku hogaamiyay final-ka FA Cup-ka, Final-ka champions League iyo Kaalinta 4-aad.

Gallas ayaana sheegay in ay chelsea ugu cad-cadahay ku tartamista horyaalka xilli ciyaareedka dambe hadii uu Tuchel keeno weeraryahan heer sare ah xagaagan.

“Waxa aan saadaaliyay in ay koox reer London ah ku guulaysan doonto horyaalka xilli ciyaareedkii dhamaaday laakiin may dhicin”ayuu u sheegay 888sport.

“Chelsea ayaa haatan haysata fursada ugu fiican ee ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedka dambe sabab la xidhiidha sida ay u ciyaartay champions League iyo in ay koox walba ka cabsanayso”.

“Hadii ay chelsea la soo saxiixato weeraryahan heer sare ah waxana ay fursad u haysataa ku guulaysiga Premeir League”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE