XASAASI: UEFA Oo Todobaadkan Real Madrid, Barcelona & Juventus Ka Ganaaxi Doonta Champions League

Kooxaha waa weyn ee Yurub Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa dhamaantood laga ganaaxi doonaa Champions League todobaadkan, sida ay sheegayaan wararku.

UEFA Iyo FIFA ayaa 3-da kooxood ku furay baadhitaan Anshax xumo ah todobaadkii hore maadama ay yihiin kaliya 3-da kooxood ee aan wali ka bixin tartankii muranka badan dhaliyay ee European Super League.

Sida laga soo xigtay wargayska la Repubblica, Real, Barca iyo Juve dhammaantood waxaa lagu ciqaabi doonaa ganaaxyo Lacag ah iyo waliba in laga ganaaxo tartanka xilli ciyaareedka dambe todobaadkan.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa wali ku adkaysanaya in ay ka qayb ahaan doonaan tartanka European Super League inkasta oo ay dhamaan 9-kii kooxood ee kale ka bexeen.

UEFA ayaa damacsan in ay 3-da kooxood ku ciqaabto in ayna muddo sanad ah ka ciyaarin tartanka champions League hadii ay ka laaban waayaan tartanka European Super League.


Source: laacibfm

SHARE