Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay Fasaxday 9 Xiddig Oo Kooxdeeda Ah.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay kooxda ka tageen 9 xiddig oo kooxda ah kadib markii uu dhacay heshiiskooda.

Xiddigaha David Luiz & Martin Odegaard ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha isaga tagay Emirates xilli uu Mikel Arteta doonayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxda xagaagan.

Xiddigaha Dani Ceballos & Mat Ryan ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ka tagay kooxda kadib markii uu dhacay heshiiskii amaahda ahaa ee ay kula joogeen kooxda.

Waxa intaas sii dheer in xiddigaha da’yarka ah ee Levi Laing, Joseph Olowu, Luke Plange & Jason Sraha ay sidoo kale isaga tageen kooxda Arsenal si ay ugu biiraan koox ay joogto ugu ciyaari karaan.

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay xoojiso kooxda iyada oo haatanba suuqa ugu jirta xiddigaha ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe


Source: laacibfm

SHARE