Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ronald Koeman.

Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa inuu Heshiiskiisa Barcelona ku kardhin doono hal sano oo kale iyo waliba hal sano oo dookh ah hadii ay kooxdu koobab ku guulaysato xilli ciyaareedka dambe.

Madaxweynaha Kooxda ee Joan Laporta iyo agaasimayaashiisa ayaa arintaas kala hadli doona wakiilada xiddiga maanta oo khamiis ah saacadaha soo socda.

Sida laga soo xigtay Catalunya Radio, Tababare Ronald Koeman ayaa hoos u dhigi doona musharka uu ka qaato kooxda si uu u sii joogo kooxda una sii hogaamiyo.

Heshiiska Koeman ee haatan ayaa dhici doona xagaaga 2022 laakiin Laporte ayaa diyaar u ah in uu tababaraha ka saxiixato hal sano oo kale iyo waliba sanad dookh ah xilli ciyaareedka dambe.

Warkan ayaa meesha ka saaraya shakigii ku jiray mustaqbalka tababaraha reer Holland iyada oo la hadal hayay in shaqada laga caydhin doono inta lagu jiro xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE