Carlo Ancelotti Oo Maamulka Real Madrid Ku War Galiyay Go’aankiisa Ku Aadan Mustaqbalka Sergio Ramos.

Tababaraha cusub ee Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ugu yeeray Sergio Ramos “Xiddig Aad Muhiim u ah” iyada oo uu shaki weyn ku jiro mustqbalka daafaca dhexe.

Ramos ayaan wali heshiis la gaadhin Los Blancos taas oo la macno ah in uu dhamaadka bishan qaab xor ah uga tagi doono kooxda.

Ancelotti oo ku soo laabtay Rea Madrid si uu u badalo Zinedine Zidane ayaa maamulka Los Blancos u sheegay in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga khabiirka ah xilli ciyaareedka dambe.

“Ma sawiran karo la’aanta Real Madrid ee Sergio Ramos, way iska cadahay in uu Sergio Ramos yahay xiddig aad u muhiim u ah waliba fure u yahay guulaha ay kooxdu ilaa haatan gaadhay’ayuu sii raaciyay.

Ramos ayaa dhaawacyo badan ku dhibaatooday xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo xitaa laga reebay Liiska xulka qaranka Spain ee ka qayb qaadan doona tartanka Euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE