Cristiano Ronaldo Oo Wadahadalo La Furay Kooxda Cusub Ee Uu Ku Biirayo.

Koxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo si ay u helaan saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xgaaagan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay PSG wadahadalo la furtay Cristiano Ronaldo si ay u hesho saxiixiisa xagaagan xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka xiddiga ee kooxda Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa Juventus kula jira heshiis ilaa xagaaga 2022 ah laakiin tababaraha cusub ee kooxda Massimiliano Allegri ayaa maamulka kooxda u sheegay in ay iska iibiyaan xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uuna Ronaldo ku jirin qorshaha Tababare Massimiliano Allegri xilli ciyaareedka dambe taas oo keenaysa in uu xiddigu raadiyo wado uu uga tago kooxda xagaagan.

PSG ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo la furtay wakiilka xiddiga laakiin aan wali wax wadahadalo ah la bilaabin kooxda Juventus kuwaas oo diyaar u ah in ay dhagaystaan dalabyada u imanaya xiddiga.


Source: laacibfm

SHARE