Daawo: Aubameyang Oo Gool Qurux Badan U Dhaliyay Koox Aan Arsenal Ahayn

Xiddiga Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fasaxiisa xagaaga ku qaadayana dalka France halkaas oo uu u ciyaaray koox xaafadeed lagu magacaabo Le Mans isla markaasna u dhaliyay gool qurux badan.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa u ciyaaray kulan kooxda Le Mans oo ah kooxdii ugu horaysay ee uu u ciyaaray markii uu da’yarka ahaa kuna taala xaafada L’Huisserie.

Kadib markii uu dhamaystay xilli ciyaareedka Aubameyang ayaa ku laabtay France halkaas oo uu ku soo koray isaga oo kulan u ciyaaray kooxdii yaraantiisa ee Le Mans kulan saaxiibtinimo ah.

Aubameyang ayaa xidhay Lambarka No.14 oo uu u xidho Arsenal waxana uu u dhaliyay kooxda gool qurux badan isaa oo kooxda ku hogaamiyay guul isaga oo sidoo kale ka garab ciyaarayay xiddigo a ciyaara horyaalka Ligue 2.

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE