DEG-DEG: Real Madrid Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Kooxdeeda Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa si Ramsi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga garabka ka ciyaara ee Lucas Vázquez kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda.

Lucas Vázquez oo 27 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2024 kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Los Blancos.

Heshiiska Lucas Vázquez ee hore ayaa dhacayay xagaaga dambe laakiin xiddiga ayaa haatan saxiixay heshiis cusub oo uu kula sii joogi doono kooxda Real Madrid muddo 3 sano oo kale.

Kadib markii uu heshiiska saxiixay Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa xiddiga Lucas Vázquez u soo bandhigay maaliyada Real Madrid oo ay dhabarka kaga qorantahay heshiiskiisa cusub.

Lucas Vázquez, hasta 2024


Source: laacibfm

SHARE