DEG-DEG: Trent Alexander-Arnold Oo Seegaya Tartanka Euro 2020 Kadib Dhaawac Soo Gaadhay.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa laga saarayaa Liiska xulka qaranka England ee isku diyaarinaya tartanka Euro 2020 kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Austria ee saaxiibtinamada.

Trent Alexander-Arnold ayaa ciyaarta ka baxay daqiiqadii uu dambeeyay kadib markii uu dhaawac bawdada ah soo gaadhay waxana la arkay isaga oo ooyaya.

Xiddiga Liverpool ayaa haatan la sheegayaa in laga saari doono Liiska 26-ka xiddig ee u ciyaari doona xulka England tartanka Euro 2020 oo todobaadka dambe bilaaban doona.

Kadib baadhitaan lagu sameeyay waxa la ogaaday in uu xiddiga reer England ka dhaawacmay muruqa bawdada sidaas darteed garoomada ka maqnaan doono muddo 6 todobaad ah.

Xiddiga ayaa haatan ku laaban doona Liverpool si uu u bilowdo daawaynta iyo ka soo kabsashada dhaawaca si uu taam ugu noqdo bilowga Liverpool ee xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE