Eden Hazard Oo Fal Celiyay Magacaabista Real Madrid Ee Carlo Ancelotti.

Xiddiga Eden Hazard ayaa taageeradiisa u muujiyay Tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti.

Xiddiga reer Belguim ayaa xidhiidh dhaw la lahaa taabarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane kaas oo isaga tagay shaqada Real Madrid 27 bishii hore laakiin waxa uu aaminsanyahay in uu Ancelotti wakhti fiican yimid Real Madrid.

“Cid walba oo Real Madrid ah way garanaysaa waxa uu Ancelotti keenay kooxda”ayuu Hazard u sheegay RTBF.

“Waxa uu xiddigahan kula guulaystay champions League waxa uu garanayaa xiddigo badan oo kooxda jooga waana tababare leh khibrad badan”.

“Waxa uu garanayaa magaalada iyo taageerayaasha waxan u malaynayaa in uu shaqo fiican qaban karo”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE