Ka Dib Dhaawacii Xalay Gaaray Arnold , Miyuu Seegayaa Tartanka Qaramada Yurub. Macalin Southgate Ayaa Ka Jawaabay

Tababaraha qaranka Ingiriiska ee Gareth Southgate ayaa ka hadlau xaaladda dhaawac ee Arnold kaasi oo lagu haleelay kulankii saaxibtinimo ee Austria

Ingiriiskaa ayaa kulankaas ku badiyay hal gool waxa uuna qeyb ka aha kulamo ay ugu diyaar garoobayaan tartanka qaaradda yurub 2020

Laacibkaas ayaa la haleelay daqiiqaddii 85-aad waana ku adkaatay in galiis uu garoonka ka baxo waxa uuna la baxay taqaatiirta qaranka .

Gareth Southgate ayaa yiri ” qaabkii u ahaa Arnold ma aheyn aan jecleysannay, aan aragno waxa ay taqaatiirta yiraahdaan”.

Waxa uu macalinka sheegay in dhaawac laacibka uu yahay dhanka bowdada .

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in laacibkaas u badan tahay in uu garoomada ka maqnaado ugu yaraan sedex todobaad .

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE