Qaabkii Uu Sergio Aguero Ugu Dhawaaday Ku Biirista Arsenal Oo La Kashifay.

Aabaha dhalay Sergio Aguero ayaa sheegay in uu Wiilkiisu wadadalo la qaatay kooxda Arsenal ka hor intii uuna ku biirin kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Argentine ee ayaa soo afjaray 10 sano oo uu joogay Man City kuna qaatay wakhti fiican oo uu kula guulaystay koobab badan oo uu ka mid yahay premier League.

“Haatan wuu furaxsanyahay kadib markii uu ku biiray Barcelona, waxa aan arkay farxadiisa”ayuu Leonel Aguero u sheegay Radio La Red.

“Arsenal ayaa doonaysay saxiixa Aguero waxana ay wadahadalo la qaadatay isaga laakiin Ma doonayn in uu joogo premier League”ayuu sii raaciyay.

Arsenal ayaa Aguero u doonaysay in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe iyada oo uu dalbaday Mikel Arteta kaas oo xiddiga kula soo shaqeeyay Man CIty.


Source: laacibfm

SHARE