RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay IN Uu Ronald Koeman Sii Joogi Doono Kooxda

Maamulka kooxda Barcelona ayaa go’aansaday in Ronald Koeman uu sii ahaado tababaraha kooxda reer Catalan, Tababaraha reer Holland ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano a markii uu yimid kooxda laakiin natiijooyin xun oo ay kooxdu heshay xilli ciyaareedkii dhamaaday ayaa keentay in uu shaki galo mustaqbalka tababaraha iyayada oo la sheegayay in shaqada laga caydhin karo laakiin waxa uu sii joogi doonaa kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa go’aanka ku shaaciyay baraha ay kooxdu ku leedahay Internet-ka kadib kulankii Khamiistii.

“Kadib markii aan muddo qiimaynay xaalada waxa aan go’aansanay inaan sii wadno qandaraaska uu Ronald Koeman kula jiro kooxda”ayuu madaxweynuhu yidhi.

“Aad ayaan ugu qanacsanahay wada hadaladii aan la yeelanay. Waxay ahaayeen wadahadalo waadax ah dhaqanka tababaruhuna waa mid fiican”.


Source: laacibfm

SHARE