RASMI: UEFA Oo Shaacisay Wakhtiga & Goobta Lagu Qaban Doono UEFA Super Cup 2021.

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa shaaciyay wakhtiga iyo goobta lagu ciyaari doono kulanka UEFA Super Cup-ka ee dhex mari doona kooxaha Chelsea iyo Villarell ee ku guulaystay Europa league iyo Champions League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

UEFA ayaa shaacisay in Super Cup-ka la ciyaari doono 11 bisha August ee soo socota kaas oo lagu ciyaari doono garoonka National Football Stadium at Windsor Park.

Kooxda chelsea ayaa ciyaaraysay koobka UEFA Super Cup-ka iyaga oo ah kooxda ku guulaystay champions league iyaga oo ku garaacay kooxda Man City.

Dhanka kale Villarreal ayaa kulanka ciyaari doonta iyaga oo ah kooxda ku guulaystay Europa League oo ay ku garaaceen kooxda Man United.

Si kasta ha ahaatee ilaa haatan lama shaacin wakhtiga ay ciyaartu soo gali doonto iyada oo la ogaan doono wakhtiga marka uu kulanku soo dhawaado.


Source: laacibfm

SHARE