Romelu Lukaku Oo Ka Jawaabay Wararka Chelsea La Xidhiidhinaya, Miyuu Ku Soo Laabanayaa.

Weeraryahanka kooxda Inter Milan Romelu Lukaku ayaa shaaca ka qaaday inuu sii joogayo San Siro xagaagan.

Xiddiga reer Belguim ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray kooxda Inter tan iyo markii uu ka yimid kooxda Man United sanadkii 2019, isaga oo u dhaliyay 64 gool 95 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Chelsea iyo Manchester City ayaa labadoodaba si xoogan loola xiriirinayay weeraryahankaan kaasoo dhaliyay 24 gool oo Serie A ah xilli ciyaareedkii 2020-21 isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, 28 jirkaan ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka tagi doonin Inter inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana uu rajeynayaa inuu ka hoos ciyaaro Simone Inzaghi, kaasoo qarka u saaran inuu bedelo Antonio Conte.

“Haa, waan joogayaa, haatanba waxa aan la xidhiidhay macalinka noqon doona tababaraha cusub ee kooxda, ma ahayn in aan yidhaahdo laakiin waxa aan la qaatay wadahadal wanaagsan mana jiraan wax dhibaato ah”ayuu yidhi.


Source: laacibfm

SHARE