Saddex Weeraryahan Oo Ay Chelsea U Dhaqaaqi Doonto Kadib Markii Uu Romelu Lukaku Iska Diiday In Uu Ku Soo Laabto Stamford Bridge.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka niyad jabsan hadalkii ka soo baxay xiddiga Romelu Lukaku kaas oo iska diiday in uu ku laabto kooxda Stamford Bridge ku ciyaarta suuqa xagaaga.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa ka mid ah xiddigaha bartilmaameedka u ah Chelsea oo suuqa ugu jirta weeraryahan cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Belguim ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan laakiin taas oo keentay in uu xiiiso ka helo kooxdiisii hore ee chelsea kuwaas oo doonayay in ay ku xoojiyaan weerarka.

Laakiin Lukaku ayaa si cad u sheegay in uuna ka tagi doonin kooxda Inter Milan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan maadama uu ku faraxsanyahay kooxda ku guulaystay horyaalka Serie A-da.

Kadib go’aanka Lukaku Chelsea ayaa dareenkooda u jeedin doona xiddigo kale oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarka kadib markii uu Romelu Lukaku iska diiday u dhaqaaqista chelsea.

Wargayska Daily Star ayaa sheegay in ay jiraan 3 xiddig oo ay chelsea doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixooda xagaaga kuwaas oo kala ah Andre Silva, Andrea Belotti Iyo Robert Lewandowski.


Source: laacibfm

SHARE