Arsenal Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga

Arsenal ayaa gudbisay dalab 30 milyan euro ah Iyo waliba mid ka mid ah xiddigeheeda si ay u hesho saxiixa xiddiga Emiliano Buendia sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Argentine ayaa noqday xiddig bartilmaameed u ah Mikel Arteta suuqa xagaaga kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaday.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa dhaliyay 15 gool 16 caawina sameeyay 39 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Norwich City isaga oo kooxdiisa ku soo celiyay premier League.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab 30 milyan ah iyo waliba xiddig kooxdeeda ah miiska u saartay kooxda Norwich si ay u hesho Buedia laakiin kooxda Norwich ayaa xiddiga ku qiimaysa xiddiga 40 milyan oo euro.

Kooxda Norwich City ayaan ku qasbanayn in ay iibiso xiddiga waxana ay filaysaa in ay Arsenal ku soo laabato dalab cusub maalmaha soo socda


Source: laacibfm

SHARE