Barcelona Oo Ay U Badan Tahay In Ay Ka Taqalusaan Xagaagaan Ilaa 7 Ciyaartooy , Yaa Ugu Horeeya

Ka dib markii maamulka Barcelona ku xasileen in macalin Koaman kooxda sii joogo waxa ay haatan calaamad su`aal dul saaran tahay 7-ka mid ah ciyaartoyda kooxda.

Macalinka ayaa la tilmaamayay in uu baxayo ka dib markii xilli ciyaareedkii Barca uu ku dhamaaday fashil balse maamulka kooxda aragti kale ayay qabaan

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa qoraya in macalinka uu doonayo dhiig cusub in uu kooxda ku shubo ayna jiraan ciyaartooy qorshahiisa xilli ciyaareedka dambe aan ku jirrin

Hadaba todobo xiiddg ayaa ugu horeeya kuwa macalinka laga yaabo in uu ka taqaluso waxa ayna kala yihiin Miralem Pjanić, Firpo,Matheus Fernandes, Umtiti, Sergi Roberto, Riqui Puig iyo Francisco Trincão

Maalmaha oo socdaa ayaa la filayaa in toos loogu war giliyo in kooxo cusub ay raadsadaan halka qaar durba lala soo yeeshay xariir


Source: laacibfm

SHARE