Carlo Ancelotti Oo Saxiixiisa Ugu Horeeya Ee Real Madrid U Doonaya Xiddig U Ciyaara Everton.

Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu keeno Bernabeu weeraryahanka Everton Richarlison.

Xiddigii hore ee Watfrd ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 7 gool 3 kalena caawiye ka noqday 34 kulan oo uu ciyaaray.

Qaab ciyaareedka Richarlison ayaa keenay in uu xiiso ka helo kooxo badan oo reer yurub ah kana mid tahay kooxda Barcelona kuwaas oo isku dayay saxiixa xiddiga suuqa January sanadkii 2020 laakiin ay Everton diiday.

Si kasta ha ahaatee Football Insider ayaa sheegaya in ay kooxda Everton ogolaan karto in ay iska iibiso xiddiga xagaagan hadii uu dalab fiican u yimaado Ancelotti ayaan doonaya in uu xiddiga kula midoobo Madrid xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in uu Ancelotti xiddiga reer Brazil u arko badalka Karim Benzema kaas oo noqon doona 35 jir saadka dambe waxana uu doonayaa in uu ku xoojiyo weerarkiisa.


Source: laacibfm

SHARE