Chelsea Oo Dajisatay Qorshe Ay Man United Ugu Garaacayso Saxiixa Jadon Sancho.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dajisatay qorshe ay ku doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Chelsea ayaa doonaysa in ay suuqa u gasho xoojinta kooxda suuqa xagaaga iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga reer England ee Sancho kaas oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda Borussia Dortmund.

Kooxda Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa Sancho kaas oo ay doonaysay ilaa xagaagii la soo dhaafay iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxdooda.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea diyaar u tahay in ay Borussia Dortmund miiska u saarto xiddiga Callum Hudson-Odoi iyo waliba laca dhan 35 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga Sancho xagaagan.

Dortmund ayaa dhankeeda xiiso u qabta saxiixa xiddiga Callum Hudson-Odoi waxana ay chelsea ka faa’iidaysanaysaa arintaas iyaga oo doonaya in ay ka helaan saxiixa xiddiga Sancho xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE