Heshiiska Ay Man United U Soo Bandhigtay Raphael Varane Oo La Ogaaday.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Raphael Varane u soo bandhigtay heshiis 5 sano ah xilli ay Red Devils isku dayayso in ay xiddiga Real Madrid keento Old Trafford suuqa xagaagan.

Heshiiska xiddiga 28 jirka ah ayaa dhici doona xagaaa dambe waxana uu haatan xulka qarankiisa France kula suganyahay isku diyaarinta tartanka Euro 2020.

Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga koobka adduunka ku guulaystay waxana la rumaysanyahay in ay Kooxda ku ciyaarta Old Trafford ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay ABC Kooxda 20-ka Premier League ku guulaystay ayaa Varane miiska u saartay heshiis 5 sano ahinkasta oo ayna wali wax heshiis ah la gaadhin koxda Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Carlo Ancelotti Diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga laakiin aan ogolaan doonin wax ka yar 70 milyan oo euro.


Source: laacibfm

SHARE