La Ogaaday: Tababarihii Ay Real Madrid La Xidhiidhay Ka Hor Intii Ayna Carlo Ancelotti Magacaabin Oo La Ogaaday.

Jose Mourinho ayaa diiday fursad uu ugu laaban lahaa Real Madrid ka hor inta aysan kooxda Los Blancos u leexan Tababare Carlo Ancelotti sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha reer Portugal ayaa ku biiray kooxda Roma bishii hore kadib markii bishii April laga caydhiyay shaqada kooxda Tottenham.

Si kasta ha ahaatee Jose Mourinho ayaa helay dalabyo badan oo ay ka mid tahay kooxda Real Madrid kuwaas oo raadinayay tababare cusub.

Mourinho ayaa lala xidhiidhinayay shaqada Real Madrid muddo bilo ah kadib markii uu 3 sano ku qaatay kooxda ka ciyaarta La Liga waliba uu xidhiidh fiican la leeyahay.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Real Madrid todobaadkii hore la xidhiidhay Jose Mourinho si uu badal ugu noqdo Zinedine Zidane oo isaga tagay kooxda.

Laakiin tababaraha ayaa iska diiday in uu ku laabto Real Madrid sabab la xidhiidha in uu la dhacsanyahay mashruuca kooxda Roma ee uu hogaamin doono xilli ciyaareedka dambe


Source: laacibfm

SHARE