Real Madrid Oo Fure U Noqon Karta Ku Biirista Cristiano Ronaldo Ee PSG, Qaab Noocee Ah.

U Dhaqaaqista Real Madrid ee saxiixa xiddiga Kylian Mbappe ayaa sabab u noqon kara in ay kooxda PSG u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan wararku.

Kylian Mbappe ayay haatan 12 bilood uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda PSG waxana uu ilaa haatan diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Reer France taas oo keenaysa in ay Los Blancos u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga xagaagan.

Ronaldo ayaa dhankiisa ku jira xaalada sidaas oo kale ah iyada oo heshiiskiisa Juventus dhici doono xagaaga dambe xilli lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda suuqa xagaagan.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ku biirista Mbappe ee Real Madrid in ay fure u noqon karto ku biirista xiddiga Ronaldo kooxda PSG suuqa xagaagan.

Kooxda Juventus ayaa dhankeeda diyaar u ah in ay lacag aad u yar ku iibiso xiddiga hadii ay suurtagaltahay in ay dhinto mushaharka waalida ah ee uu xiddiga 36 jirka ah ka qaato kooxda.


Source: laacibfm

SHARE