Real Madrid Oo La Tamid Qorshe Ay Varane Uga Hor Istaagi Karaan Man United

Daafaca Real Madrid ee Varane ayaan weli go`aamin sida uu noqonayo mustaqbalkiisa kooxdaas xilli hishiiskiisa uu ka harsan yahay hal xilli ciyaareed .

Waxa ay warar badan tilmaameen in laacibka uusan ogalaan hishiis loo soo bandhigay xilli Man United ay si weyn u baacsaneyso laacibka una bandhigeen hishiis muddo fog ah .

Varane oo ku dhagannaa in mushaarka loo kordhiyo ayay haatan Real u muuqataa mid soo dabacday , waxa uuna wargeyska AS sheegayaa in Real diyaar u yihiin in ay dhageystaan laacibka .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Real diyaariyeen dalab gaaraya illaa iyo xagaaga 2024-ka walibana sara loogu qaadayo mushaarka Varane .

Mushaarka ay hishiiska cusub ku siinayaan ayaa la xusay in uu yahay midka haatan ay u balan qaadayaan kooxaha doonaya saxiixiisa waxa uuna u dhaxeyn doonaa 8 illaa 10 milyan oo euro sanadkii

Varane oo 28 sano jir ah ayaa haatan hishiiskiisa Real ku qaata aduun dhan 5.8 milyan oo euro waxa uuna doonayaa mid intaas ka badan haddii uu sii joogayo Real .

Laacibkaan reer France ayaa Real u jooga muddo 9 xilli ciyaareed ah waxa uuna ka mid yahay xiddigaha tiirarka u ah Real mana islaha mushaarka uu qaato iyo sida uu shaqadiisa ugu guuleystay .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in haddii ay dhacdo in uusan ku qancin dalabka cusub , waxa ay Real dhageysanayaan dalabyda saxiixiisa lagu doonayo iyaga oo ku qiimeysanaya laacibka lacag dhan 70 milyan oo euro


Source: laacibfm

SHARE