Shaxda Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Kooxihii Ku Guulaystay Horyaalada Waaweyn Oo La Soo Saaray.

Shabakada WhoScored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee laga sameeyay xiddigaha kooxihii ku guulaystay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Horyaalada Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga Iyo Ligu 1 ayaa soo dhamaaday waxana ku guulaystay horyaalka 4 kooxood oo aan xilli ciyaareedkii hore ku guulaysan horyaalka marka laga reebo Bundesliga oo ay Bayern Munich ku ceshatay.

Kooxaha ku guulaystay horyaalada ayay u soo ciyaareen xiddigo qaab ciayareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday iyaga oo kooxohooda ku hogaamiyay horyaalada.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig halka ay kooxda Bayern Munich dhankeeda shaxda ku leedahay 3 xiddig.

Kooxda Atetico Madrid ayaa dhankeeda shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxaha Lille iyo Inter Milan shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

Image


Source: laacibfm

SHARE