Wakhtiga Ay Liverpool Heshiiska Cusub Ka Saxiixanayso Alisson Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis cusub ka saxiixan doonto Goolhayaha 1-aad ee Allison marka uu ka soo laabto waajibaadka xulka qarankiisa Brazil sida ay sheegayaan wararku.

Alisson ayaa haatan ku sugan dalkiisa Brazil isaga oo isku diyaarinaya tartanka Copa America ee bilaaban doona 13 bishan haatan lagu jiro.

Sida laga soo xigtay BBC Reds ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato Alisson inkasta oo uu heshiiskiisa haatan dhici doono ilaa xagaaga 2024.

Wararka ayaa sheegaya in Goolhayaha reer Brazil ka mid yahay dhawr xiddig oo ay Liverpool doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato marka uu bilowdo xilli ciyaareedka dambe.

Alisson ayaa kooxda Liverpool ka noqday xiddig fure ah tan ilaa markii uu ku soo biiray Anfield xagaagii 2018 isaga oo kooxda kula guulaystay 4 koob oo ay ka mid yihiin champions League iyo Premier League.


Source: laacibfm

SHARE