Yaa Ku Horeeya Baacsiga Saxiixa Saul Niguez. , United , Liverpool Mise Munich?

Bayern Munich ayaa lagu waramayaa in ay ku guuleysatay loolanka loogu jiro qadka dhexe Atletico Madrid ee Saul Niguez.

Laacibkaas ayaa kooxdaas xilli ciyaareedka soo dhamaaday u saftay 41 kulan dhamaan tartamada

Man United iyo Liverpool ayaa si weyn loola xariirinayay xilli ay muuqato in Atletico aysan diidaneen in ay iibiyaan .

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in Munich ay haatan ugu horeyso loolanka laacibka ayna la meel dhigeen Atletico hishiis .

Kooxda reer Jarmal waxaa lagu waramayaa in ay ogalaadeen bnixinta aduun dhan 68 milyan oo euro waana qiimaha ay dalbaneyso kooxda reer Spain

Atletico oo rumeysaneyd in laacibkaan xagaagaan uu baxayo waxa ay badalkiisa ka ishaarteen horyaalka Italy waxa ayan isha ku hayaan xiddiga Udinese ee Rodrigo De Paul.

Saul oo uu hishiiskiisa dhowr sano ka harsan yahay ayaa dareensan in uusan muhiim ka aheyn kooxda haatan , waxa uuna Munich u saxiixayaa hishiis gaaraya 4 sano


Source: laacibfm

SHARE