Arsenal & Chelsea Oo PSG Ku Cidhiidhinaya Xiddig Aad Loo Qiimeeyo.

Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa la sheegayaa in ay si dhab ah ugu biireen baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Inter Milan ee Achraf Hakimi.

Kooxda ku guulaystay Serie A-da ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga kuna iibiso lacag dhan 80 milyan oo euro kadib markii uu Antonio Conte ka tagay kooxda.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay chelsea iyo Arsenal kula biireen kooxda PSG Baacsiga loogu jiro xiddiga daafaca ka ciyaara.

Achraf Hakimi ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Inter Milan kula guulaystay horyaalka Serie A-da markii ugu horaysay muddo 11 sano ah.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa Inter Milan u dhaliyay 7 gool 10 kalena caawiye ka noqday 37 kulan oo uu u saftay kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkii dhamaaday.


Source: laacibfm

SHARE