Barcelona Oo Lagu Cidhiidhinayo Saxiixa Georginio Wijnaldum, Koox Ayaa Ka Afduubanaysa.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona ka afduubanayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xiddiga Georginio Wijnaldum u calaamadsaday bartilmaameedkiisa ugu muhiimsan ee suuqa xagaaga laakiin kooxda PSG ayaa ku dhaw in ay ku garaacdo.

Sida laga soo xigtay ESPN, Kooxda reer France ayaa dalab Rasmi ah miiska u saartay xiddiga kaas oo waliba ah mid ayna Barcelona awood u lahayn in ay bixiso.

Xiddiga khadka dhexe ayaan haatan wali wax go’aan Rasmi ah ka gaadhin mustaqbalkiisa isaga oo haatan xulka qarankiisa kala qayb qaadanaya tartanka Euro 2020 oo todobaadkan bilaaban doona.


Source: laacibfm

SHARE