Jose Mourinho Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Tartanka Euro 2020.

Tababaraha Kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa fikirkiisa ka dhiibtay kooxda ku guulaysan doonta tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona todobaadkan.

Jose Mourinho ayaa sheegay in la joogo wakhtiga ugu munaasibsan ee uu xulka England ku guulaysan karo tartanka laakiin waxa uu sheegay in uu Xulk France yahay xulka ugu cad-cad.

Mourinho oo la hadlaya wargayska The Sun ayaa yidhi”Xulka qaranka England waxa uu haystaa xiddigo cajiib ah”.

“Waa xu fiican laakiin way adagtahay in uu tababaruhu qanciyo dhamaan taageerayaasha marka laga hadlayo doorashada xiddigaha sababta oo ah xulalka Brazil iyo England ayaa ah midka ugu shaqo adag”.

Isaga oo ka hadlaya xulka ugu cad-cad ku guulaysiga Euro 2020 ayaa yidhi”France ayaa ku guulaysan akra koobabka sababta oo ah waxa uu haystaa xiddigo aan la rumaysan karin kuwaas oo xiddigaha ka soo jeeda laga samayn karo laba xul oo cajiib ah”.


Source: laacibfm

SHARE