Man United Oo Lambar Cusub Siinaysa Bruno Fernandes Xilli Ciyaareedka Dambe.

Kooxda Man United ayaa xiddiga Bruno Fernandes siin karta lambarka uu ku riyoodo in uu xidho xilli ciyaareedka kaas oo uu xidho xiddig uu heshiiskiisu dhacay xagaagan.

Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa Man United u xidha Lambarka 18 tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Kagana soo biiray kooxda Sporting Lisbon.

Laakiin xiddiga ayaa xilli ciyaareedka dambe qaadan kara Lambarka No.8 oo ah mid uu banayn doono xiddiga Juan Mata kaas oo ka tagaya kooxda kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.

Lambarka No.8 ayaa ah lambarka Riyada ee Bruno waxana laga yaabaa in ay kooxdu u ogolaato in uu qaato Lambarka xilli ciyaareedka dambe si uu ugu matalo kooxda xilli cyaareedka dambe.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican kooxda Man United waxana laga yaabaa in uu lambar kale xidho xilli ciyaareedka dambe


Source: laacibfm

SHARE