Shaxda Ugu Fiican Ee Xiddigaha Laga Reebay Shaxda Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka PFA Oo La Shaaciyay.

Xidhiidhka xirfadlayaasha kubada cagta ee PFA ayaa soo saaray shaxdii ugu fiicnayd premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday horyaalka waxana ku so baxay 11 xiddig oo ay 3 kooxood xiddigaha ugu badan ku lahaayeen.

Si kasta ha ahaatee waxa laga tagay xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday waliba u qalmay in ay ku soo baxaan shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka.

Wargayska Mirror ayaa soo saaray badalka shaxda ay soo saareen PFA ee ugu fiican xilli ciyaareedka iyaga oo soo qaatay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay laakiin aan ku soo bixin shaxda PFA.

Waxa ka mid ah Goolhayaha kooxda Aston Villa ee Emiliano Martinez, xiddiga khadka dhexe ee chelsea ee N’Golo Kante iyo waliba xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish kuwaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Shaxda ugu Fiican ee laga reebay Shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka halkan kaga bogo.

Goolhaye: Emiliano Martinez (Aston Villa)

Daafaca: Vladimir Coufal ( West Ham ), Wesley Fofana ( Leicester City), Harry Maguire (Man Utd), Andy Robertson (Liverpool)

Khadka Dhexe: N’Golo Kante ( Chelsea ), Tomas Soucek (West Ham), Mason Mount (Chelsea)

Weerarka: Jack Grealish (Aston Villa), Patrick Bamford (Leeds), Phil Foden (Man City)


Source: laacibfm

SHARE