Thibaut Courtois Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Eden Hazard.

Mustaqbalka Eden Hazard ee Real Madrid ayuu shaki ku jiraa laakiin Thibaut Courtois ayaa haatan sheegaya in uu xiddigu sii joogid oono kooxda oo uuna ka tagi doonin koxoda xagaagan

Wargayska MARCA ayaa sheegay in ay Real Madrid suuqa dhigtay Xiddig kadib markii uu ku dhibaatooday xilli ciyaareedkii dhamaaday sabab la xidhiidha dhaawac soo wajahay.

“100% Waxa aan hubaa in uu Hazard sii joogi doono kooxda, ma doonayo in uu boxo”ayuu Goolhayuhu yidhi.

“Kaliya wargaysyada Madrid ayaa qoray rabitaanka ah in uu doonayo in uu boxo, laakiin waxa uu doonayaa in uu kooxda sii joogo waliba koobab kula guulayso”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE