Arsenal Oo Bilowday Wadahadalo Ay Ku Doonayso Xiddig Khadka Dhexe Ku Fiican Oo Ka Ciyaara Premier League

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la qaadatay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves sida ay sheegayaan wararku.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Dhanka kale Neves ayaa muhiim u ahaa kooxda Wolves laakiin kooxda ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga 24 jirka ah ee reer Portugal inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wargayska The Sunday Times ayaa sheeaya in ay Arsenal bilowday wadahalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga Neves iyaga oo waliba ku kalsoon in ay saxixia xiddiga ku dhamaystiri karaan 34 milyan oo euro.

Mikel Arteta ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xiddiga waxana uu aaminsanyahay in uu wax weyn ku soo kordhin doono kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe xilli uu dhisayo kox u tartanta boosaska champions league.


Source: laacibfm

SHARE