Barcelona Oo Doonaysa In Ay Heshiis Isku Badalasho Ah La Samayso Man City.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay heshiis isku badalasho ah la samayso Kooxda Barcelona iyaga oo doonaya in ay ka faa’iidaystaan xidhiidhka uu Madaxweynaha Kooxda ee Joan Laporta la leeyahay maamulka kooxda Man City.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso ka faa’iidaysato xiisaha Man City u qabto saxiixa xiddiga Sergi Roberto kaas oo uu Pep Guardiola doonayo in uu kala shaqeeyo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona doonayso saxiixa xiddiga Aymeric Laporte waliba diyaar u tahay in ay Sergi Roberto u soo bandhigto si ay u helaan dhankooda saxiixa xiddiga Aymeric Laporte.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa daafac cusub oo kale kadib markii ay xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatootay dhaawacyo dhanka daafacyada ah.

Xiddiga Aymeric Laporte ayaa ah xiddig ay u doonayaan in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe gaar ahaan marka loo eego in uu xiddigu doortay in uu matalo xulka qaranka Spain iskana diiday xulka France.


Source: laacibfm

SHARE