Barcelona Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Badalka Jordi Alba, Maxaa Cusub?

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Valencia ee Jose Gaya ayaa lagu soo waramayaa in uu joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxda Valencia kadib xiisaha Barcelona ee saxiixa xiddiga suuqa xagaagan.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay gool 7 kalena caawiye ka noqday 33 kulan oo uu ciyaaray horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga xilli ay Barcelona doonayso xiddig ay la tartansiiso xiddiga Jordi Alba.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Gaya joojiyay wadahaladii heshiis kordhinta ahaa xiili Barcelona loo sheegay in uu xiddigu iib yahay hadii uu u yimaado dalab fiican

Xiddiga reer Spain ayaa ka soo baxay Akademiyada Valencia waxana uu kooxda 1-aad u soo dalacay sanadkii 2012 waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo haatan xulka Spain uga qayb qaadanaya tartanka Euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE