Chelsea Oo Diyaar U Ah In Ay Iska Iibiso Hakim Ziyech Suuqa Xagaagan.

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay iska iibiyaan xiddiga Hakim Ziyech hal sano kadib markii uu ku soo biiray Stamford Bridge sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Marocco oo 28 jir ah ayaa Chelsea ku soo biiray xagaagii hore iyaga oo 36.7 milyan kaga soo biiray kooxda Ajax.

Xiddiga ayaa saftay 39 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedka dhamaaday isaga oo dhaliyay 6 gool 4 kalena caawiye ka noqday.

Laakiin wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in uu Ziyech isaga tagi karo kooxda marka uu furmo suuqa Xagaagu dhamaadka bishan haatan lagu jiro.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Napoli tahay kooxda kaliya ee doonaysa saxiixa xiddiga iyaga oo isku diyaarinaya in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga garabka ciyaara.


Source: laacibfm

SHARE