Daawo: Goolka Loo Doortay Goolkii Ugu Quruxda Badanaa Xilli Ciyaareedka Premeir League, Arsenal Ayaa Laga Dhaliyay

Goolkii uu xiddiga Kooxda Tottenham ee Erik Lamela ka dhaliyay Arsenal ayaa loo doortay goolkii ugu quruxda badnaa xilli ciyaareedka premier League 2020/2021.

Erik Lamela Ayaa si cajiib ah uga dhaliyay Arsenal goolka xilli ay waliba lama filaan ku noqotay taageerayaasha qaabka uu u dhaliyay maadama ayna cidna ka filayn.

Lamela ayaa kubada ku helay dilinta ganaaxa dhexdeeda laakiin si cajiib ah oo si daba maris ah lugtiisa ugu dhaliyay goolka kaas oo xitaa ahaa mid ayna filayn xiddigaha Arsenal ee daafaca.

Goolka Lamela ayaa kula tartamayay goolal badan oo cajiib ahaa laakiin waxa goolkiisa loogu codeeyay in uu noqday midkii ugu quruxda badnaa ee laga dhaliyo dhamaan xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Halkan Hose Ka Daawo Goolka

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE