DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Ee PFA Xilli Ciyaareedka Oo La Shaaciyay.

Xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa loo magacaabay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedka dhamaaday isaga oo ku guulaystay Abaalmarinta PFA ee ay bixiyaan xidhiidhka xirfadlayaasha premier League.

Kevin De Bruyne ayaa ku guulaystay abaalmarinta kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay kuna soo bandhigay kooxda Man City xilli ciyaareedkii dhamaaday premier League.

Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigo ay ka mid yihiin Ilkay Gundogan, Bruno Fernandes, Harry Kane Ruben Dias iyo Phil Foden kuwaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga reer Belguim ee De Bruyne ayaa kooxda Man City ku hogaamiyay ku guulaysiga horyaalka premier League sidoo kale kula guulaystay koobka EFL.


Source: laacibfm

SHARE