Jose Mourinho Oo Magacaabay Xul Weyn Oo Wareega Group-yada Kaga Hadhi Doona Tartanka Euro 2020.

Tababaraha cusub ee kooxda Roma ee Jose Mourinho dhaleeceeyay qaab ciyaareed ciyaareedka ulka qaranka Germany ka hor bilaabashada tartanka Euro 2020.

Xulka Germany ayaa ku jira Group-ka F oo ah Group-ka dhimashada marka loo eego in ay ku wada jiraan xulalka France, Portugal iyo Germany iyada oo ay weheliyaan xulka Hungary.

Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi’Xulka Germany waxa uu ahaa mid aad u xun kulamadii is reeb-reebka iyo waliba tartankii UEFA Nations League iyaga oo guuldaro kala kulmay xulka North Macedonia iyaga oo waliba jooga dhulkooda”.

“Way adagtahay in la fahmo xaalkooda labadii sano ee ugu dambeeyay”.

“Waxa laga yaabaa in ay xitaa tartanka Euro-da kaga hadhaan wareega Group-yada”ayuu sii raaciyay


Source: laacibfm

SHARE