Kieran Trippier Oo Xiddigaha England U Sheegay Go’aankiisa Ku Aadan Ku Biirista Man United.

Daafaca Atletico Madrid Kieran Trippier ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay xiddigaha Xulka qaranka England inuu doonayo inuu ku biiro Manchester United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay Atletico Madrid xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo Kooxdiisa ku hogaamiyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedka.

Man United ayaa la sheegayaa in ay xiddiga reer England u calaamdsatay bartilmaameed ay doonayso in ay la tartansiiso xiddiga Aaron Wan-Bissaka kaas oo kali ku ah booska.

Warargayska Mirror ayaa sheegaya in uu xiddiga reer England xiddigaha ay isku xulka yihiin England u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man United dhamaadka tartanka Euro 2020.

Xiddiga ayaa haatan xulka qaranka England kala qayb galaya tartanka Euro 2020 oo bilaaban doona maalinta Khamiista isaga oo la filayo in uu door muhiim ah ka qaato tartanka uu xulkiisu ciyaari doono.


Source: laacibfm

SHARE