Liverpool Oo Diyaar u ah In Ay Iska IIbiso Naby Keita, Sabab.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita suuqa xagaagan.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo tan ilaa markii uu yimid Liverpool xagaagii 2018 isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda Liverpool.

Xiddiga khadka dhexe ayaa kaliya 10 kulan u saftay Liverpool premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday shabakada ESPN ayaana sheegaysa in ay Liverpool diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga suuqa xagaagan.

Wararka ayaa sheegaysa in sababta ay Liverpool u iibinayso xiddiga tahay in ay doonayso in ay hesho lacag ay ku xoojiso kooxda suuqa xagaagan waxana ay Keita u arkaan xiddig ay ka maarmi karaan.

Naby Keita ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga ee Atletico Madrid kuwaas oo xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga.


Source: laacibfm

SHARE