Man United Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Jadon Sancho.

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay u baahantahay in ay bixiso lacag dhan 81.5 milyan euro hadii ay doonayso saxiixa Jadon Sancho suuqa xagaagan.

Kooxda 20-ka jeer ku guulaystay premier League ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga 21 jirka ah sanadkii hore laakiin waxa ay diideen in ay bixiyaan lacagtii ay Dortmund dalbanaysay wakhtigaas oo ahady 120 milyan.

Man United ayaa la rumaysanyahay in ay wali xiiso u qabto saxiixa xiddiga reer England waliba ka go’antahay in ay hesho saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in Man United loo sheegay in ay la timaado lacag dhan 81.5 milyan euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga suuqa xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxdu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga laakiin labada kooxood ku jiraan wadahadalo iyada oo ay Dortmund doonayso in halka hore laga siiyo lacagta inteeda badan.


Source: laacibfm

SHARE