Massimiliano Allegri Oo Kashifay Kooxo Uu Iska Diiday Ka Hor Intii Uuna Ku Laaban Juventus.

Tababaraha Kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa iska diiday shaqooyinka kooxaha chelsea iyo Man United muddo 15 maalin ah gudohood ka hor intii uuna ku laaban kooxda Juventus.

Tababaraha 53 jirka ah ayaa ku laabtay Juventus bishii Hore kadib markii uu 2 sano ka nastay shaqada tababaranimo lagana caydhiyay shaqada bishii May ee sanadkii 2019.

Labadii sano ee la soo dhaafay Tababare Massimiliano Allegri ayaa lala xidhiidhiyay shaqooyin badan oo kooxaha waaweyn oo reer yurub ah.

Wargayska Il Bianconero ayaa sheegay in uu Allegri iska diiday kooxo ay ka mid yihiin Man United, chelsea oo 2 jeer ah, PSG iyo waliba kooxda Arsenal.

Ugu dambayn Allegri ayaa ku laabtay kooxda Juventus oo uu hogaamin doono xilli ciyaareedka dambe isaga oo ka badalay shaqada Pirlo oo hal xilli ciyaareed hogaaminayay kooxda.


Source: laacibfm

SHARE